Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Safirika Mareykanka?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Safirika  Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Larry André.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan amniga iyo howlgallada ka dhanka ah ALSahbaab ee socda deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Larry André in dagaaladii lala galay dagaalamaayasha AL-Shabaab looga qabsaday degaanno dhowr ah iyo deegaano ka tirsan Hirshabeelle haatanna lagu jiro waqtii lasoo afjari lahaa.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa sidoo kale ka wadahadlay muhiimada ay leedahay in deegaanada laga saaray AL-Shabaab laga fuliyo barnaamijyada xasilinta si ay bulshado u hesho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda iyo kor u qaadida mashaariicda

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor