Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Kulank ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo la xariira siyaasadda dalka gaar ahaan xaaladda kala guurka ah ee dalku marayo, Kulankan oo ka dhacay hoyga Gudoomiyaha ayaa diiradda lagu saaray Arimaha Doorashooyinka ee la filayo inay dalka ka dhacaan dhammaadka sanaddaan 2020 iyo billowga 2021.
Axmed Madoobe ayaa tan iyo markii uu muqdisho kaga qayb galay shirkii Muqdisho ka dhacay ayaa waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeelanayay qaar ka mid ah xubnha baarlamaanka ee labada aqal, waxaana sidoo kale uu kulamo gooni gooni ah la yeeshay Xubnaha Xisbiyada Mucaaradka.