Maxay ka hadleen Axmed Madoobe iyo Safiirka Mareykanka?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay danjiraha Dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa uu ahaa mid xasaasi ah oo ay kaga hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan maraxaladda siyaasadeed ee dalku marayo.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arimaha Doorashada iyo sidii beesha caalamku ay qeyb uga qaadan lahayd sidii Doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhici lahayd.

Beesha caalamka ayaa wadda dadaallo ay ugu jirto sidii mas’uuliyiinta Dowladda dhexe iyo midowga musharixiinta la isugu soodhawyn lahaa, waxana sidoo kale jiro khilaaf u dhexeeya Madaxweynayasha Jubbaland iyo Puntland, khilaafkaas oo ku aaddan arrimaha doorashooyinka dalka ka dhici doona.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor