Maxaabiista Xabsiga Dhexe oo Maanta loo Xoola qalay

Qaar ka mid ah mas’uuliyyinta dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa Maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe kala qayb qaatay maalinta koowaad ee ciidul Adxadaaga.

Guddoomiyayaasha Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir Maxamed axmed Cismaan,Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Cabdikhadar Maxamed Xasan, Waxaaa ku wehliyay booqashada Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda  Xasaan Xuseen Xaaji iyo Xildhibaan Cali Ganeey oo ka mid ah Guddiga Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Golaha Shacabka waxayna ku wareejiyeen Taliyaha Ciidanka Aslubta Soomaaliyeed General Mahad.

Maxaabiista ayaa loo sameeyay munaasabad gaar ah, waxaana loo qalay xoolo, iyadoo mas’uuliyiinta halkaas gaaray ay wadeen xoolo ka kooban Geel iyo Adhi.

Madaxda oo la Hadlay maxabiiista ayaa la wadaagay farxadda Ciidda. Sidoo kale waxay kula dardaameen inay u noqoto waana qaaadasho ayana ka faaiidaystaan waxbarshada kala duwan ee lagu siiyo Xabsiga dhexdiisa

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media