Maxaabiis Soomaali ku xiran Uganda oo mar kale laga diiday in Damiin lagu sii daayo.

Maxkamadda Sare ee Uganda waxay maanta mar labaad diiday codsi ay 4 ka mid ah 7 Eedeysane Soomaali ah ku dalbadeen in lagu sii daayo Damiin.

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska The Monitor ee ka soo baxa magaalladda Kampala, waxay Maxaabiista Soomaalida ku eedeysan yihiin inay qorsheynayeen weerar Bambaano oo ka dhici lahaa Kampala muddo haatan laga joogo 2-sanno.

Garsoore Ezekiel Muhanguzi oo ka tirsan Waaxda Dembiyadda Caalamiga ee Maxkamadda Sare ee Uganda ayaa sheegtay inaan damiin lagu sii dayn Karin afarta Eedeysane oo ay sheegtay inaysan Deganaansho Joogto ah ku lahayn gudaha Uganda.

Eedeysanayaasha la laalay Codsigooda ayaa lagu kala magacaabaa: Mohamed Abdulkadir Hersi, Abdi Abdullahi Botan, Mohamed Ahmed Gelle iyo Mohamed Yusuf Farah.

Dhinaca kale, Eedeysanayaasha ayaa la filayaa in mar kale la soo maxkamadeeyo bisha December 15-da ee sannadkan.

Eedeysanayaasha Soomaalida waxay xukun la’aan muddo ka badan 360 maalmood ugu xiran yihiin Xabsiga Dhexe ee Luzira Prison ee magaalladda Kampala.

Eedeysanayaasha waxaa Bishii September ee sannadkii 2014-kii laga soo qabtay Hotel ku yaalla Kisenyi, Kampala, kadib, markii loo soo far muuqay Soomaalidaasi oo lagu eedeeyey inay tageeraan Xarakadda Alshabaab iyo Ururka Alqaacida.

©Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor