Maxaabiis lagu wareejiyay Dowladda Federaalka oo la keenay Muqdisho

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa kasoo degtay diyaarad siday 14 Maxaabiis oo xabsiga weyn ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ugu xirnaa muddo badan Arrimo la xiriiro burcad-badeednimo, kuwaasi oo la xukumay.

Wasiirka Cadaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamid ayaa Maxaabiista oo Maanta Maxaabiista ku wareejiyay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamuud Nuur Jaamac.

Diyaaradda keentay Maxaabiista ayaa waxaa la socday Wasiir Cabduqaadir iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Galmudug oo goobjoog ka ahaa Munaasabadda Maxaabiista loogu wareejinayay dowladda Federaalka.

“Waxaan maanta xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho u soo wareejiney 14 maxbuus oo in mudo ah ku xirnaa xabsiga Garoowe si eheladooda loogu soo dhoweeyo.Waxaan u mahad celinayaa Wasaaradda Cadaaladda dowlad goboleedka Puntland iyo dhamaan bahda Cadaaladda ee labada heer” ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamuud.

Maamulka Puntland iyo dowladda Seychelles ayaa dhawaan ku heshiiyay in Maxaabiista ku xukuman burcad-badeednimada ee ku xiran xabsiga Garoowe loo wareejiyo Muqdisho, kuwaasi oo kasoo jeeda degaannada Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor