Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalin ka hor iclaamiyey shir deg deg ah oo Maanta oo Isniin ah lagu qabanayo Magalada Muqdisho si loo dhex dhexaadiyo Madaxda iskhilaafsan ee Galmudug.
Waxaa haatan muuqata in shirkaas oo Maanta balantu aheyd inuu baaqday,kadib markii uu qaadacay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Madaxweyne Xaaf ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku sheegay in xilligaan aysan jirin khilaaf u dhaxeeya Madaxda Galmudug balse ay socdaan qorshooyin laga soo abaabulay Madaxtooyada Soomaaliya.
Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xasshi Carabeey ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku aqbalay shirkii uu iclaamiyey 22-kii Bishaan Madaxweyne Farmaajo ay ka qeyb galayaan,isla markaana ay tagayaan Magalada Muqdisho.
Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Maamulka Galmudug ayaa sii xoogeystay taas oo sababtay in Xildhibaano ku kala shiray Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ay xilalkii ka qaadeen Madaxweyneha,Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa Koowaad,waxaana xusid mudan in kulankii ugu horeeyey ee lagu sheegay in xilka looga qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir lagu qabtay Magalada dhuusamareeb ee uu ku sugan yahay Madaxweyne Xaaf.