Maxaa looga hadlayaa Shir Maanta ka furmaya Dhuusamareeb?

Shir ku saabsan Ololaha Wacyigalinta Dib-u-eegista Dastuurka ayna soo qabanqaabisay Wasaarada Arimaha Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ka furmaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug,

Shirkaan ayaa waxaa soo qeyb galaya qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Culimaa’udiinka, Odayaasha Dhaqanka, Dhalinyarada, Haweenka iyo Warbaahinta.

Shirkan ayaa socan doona muddo Seddax Malamood ah, sida Jadwalka ku qoran waxaana la soo bandhigi doonaa Arrimaha galinta dib u eegista Dastuurka Soomaaliya, sidoo kalena waxaa la is weydaarsan doonaa Aragtiyada laga qabo Arrimaha Dastuurka.

Muddada Shirkani socdo waxaa ka qeybgali doonaa in ka badan 100 Qofood waxaana lala wadaagi doonaa Arrimaha Dastuurka iyo sida Bulshada loogu wacyigalinayo Dib u eegista Dastuurka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media