Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ka qabsoomay magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Kulankaan oo looga hadlay howlgada Al-shabaab looga xureynayo deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle, waxaa Wasiirka Amniga looga dhageystay warbixinta amniga, sidoo kale kulankaan ayaa looga hadlay dardargalinta iyo isku xirka dadaalada xasilinta.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa golaha usoo gudbisay Hindise Sharciyeedka lagu dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Hirshabeelle oo ay Golaha Wasiirada cod aqlabiyad ku ansixiyeen,
Dhanka kale Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa cod wadar ogol ah ku meelmariyay Macadka Tababarada Hirshabeelle.
Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Golaha Xukuumadda la wadagaay duruufaha adag ee ka jira deegaanada laga xureeyay Al-shabaab ee uu socdaalka kusoo maray.