Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray RW Kheyre iyo la Taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka?

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Washington kulan kula qaatay la taliyaha amniga Qaranka Mareykanka, John Bolton.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo John Bolton ayaa ka wada hadlay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneysay soo kabashada dhaqaalaha, dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo sida uu Mareykanku u joogtaynayo taageerada Soomaaliya ee dhanka la dagaallanka Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay John Bolton soo dhaweynta diirran ee uu ugu sameeyay aqalka cad iyo wadhadallada miro dhalka ah ee ay wad yeesheen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media