Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray Madaxweyne Biixi iyo Safiirka Denmark?

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Magaalada Hargeysa kulan kula qaatay Safiirka dowladda Denmark u qaabisan Arrimaha Soomaaliya, Amb Amb. Ole Thonke

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka oo taas oo ay soo jeediyeen inay dalka ka qabsoonto 31/05/2021, ka dib markii ay cayimeen komishanka doorashooyinka, kuna raaceen saddexda xisbi qaran loona gudbiyey golaha guurtida Somaliland.

Sidoo kale, waxa kulanka lagu lafo-guray horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinaca arrimaha bulshada, sanduuqa horumarinta Somaliland ee (Somaliland Development Fund) oo ay dawladda Denmark qayb ka tahay dawladaha ku midoobay iyo horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga yaryar.

Waxaanu safiirku xusay inay ka dal ahaan halkii ka sii wadi doonaan dhaqaalihii ay horeba ugaga qayb qaadan jireen arrimaha bulshada iyo horumarka deegaanada Somaliland ka socda.

Ugu danbayntii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi  ayaa dawladda Denmark uga mahadnaqay dedaalka iyo garab istaagga ay Somaliland la barbartaagan tahay marwalba, gaar ahaan sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF) loo soo gaabiyo oo ay dawladda Denmark qayb weyn ku leedahay kaalmada ay midowga yurub isugu geeyeen sanduuqaasi. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu uga mahadnaqay dawladda Denmark inay ka mid noqotay dalalkii ugu horreeyey ee Somaliland ka furta xafiis.

Comments
Loading...