Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray Axmed Madoobe iyo Wakiilada Beesha Caalamka?

Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay Wakiilo ka socda Beesha Caalamka, waxaana inta kulanku socday looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira siyaasadda dalka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka oo kala ah Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, Safiirka Ingiriiska Ben Fender, iyo Wakiilo ka kala kasocday Maraykanka iyo Midowga Afrika.

Kulankan ayaa lagaga hadlayay Arimaha Doorashooyinka iyo amaanka iyadoo si qoto dheer loo falanqeeyay Xaalada kala guurka ah iyo sidii ay u dhici lahayd Doorasho la isla ogolyahay.

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa ku sugan Muqdisho, waxaana ay shir la leeyihiin Madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiyaha Gobolkani Banaadir, inta madaxda maamul Goboleedyadu ku sugnaayeen Muqdisho ayaa waxaa ay shirar gooni gooni ah ay la yeesheen Mas’uuliyiin iyo Madax ka kala tirsan Xisbiyada Mucaaradka iyo Beesha Caalamka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media