Maxaa kasoo kordhay Shirka Madaxda uga socda Teendhada Afisyooni?

Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Banaadir ayaa waxaa weli uu shir uga socdaa Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo Maanta dib u dilowday, kadib laba maalin uu hakad galay.

Shirkaan oo markiisii horey furmay maalintii sabtida ee todobaadkaan ayaa waxaa uu yahay mid hordhac u ah Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashada, waxaana shirka socda looga hadlayaa Ajendayaasha Shirka guud ee Madaxda.

Madaxda ayaa labadii maalin ee uu socday Shirka waxaa dhexmartay dood kulul oo ku aadan sida uu u furmi karo Shirka guud ee maalmaha soo socda dhici doona iyo shuruudo Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ay ku xireen ka qeyb galka shirarka.

Ilo ku dhow dhow shirka Afisyooni ayaa sheegaya in mabdi’iyan la isku raacay in shirka soo socda la ballaariyo oo furitaanka ka soo qeyb galaan Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka, Madaxweynayaashi hore, Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Rooble, dhammaan Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Duqa Muqdisho ayaa ka qeyb galaya shirka haatan ka socda Teendhada Afisyooni.

Beesha Caalamka ayaa dhinacyada siyaasadda dalka cadaadis ku saaraysa in ay si deg deg ah uga heshiiyaan muranka siyaasadeed ee u dhexeeya, si loo qabto doorasho nabdoon oo loo dhanyahay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor