Maamulka Nayjeeriya ayaa sheegay in ay xidheen tobaneeyo dibadbaxayaal ah oo watay calanka Ruushka kuwaas oo lagu arkay dhowr mudaaharaad oo dhowaan dhacay.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay tahay fal khiyaano qaran ah in la soo qaato oo la lulo calan shisheeye.
Waxa uu sheegay in madaxweyne Bola Tinubu uu sidoo kale ku tilmaamay isticmaalka calamada Ruushka mid aan la aqbali karin.
Shantii maalmood ee u dambeeyay waxaa socday mudaaharaaddo badan oo looga soo horjeeday qiimaha maciishadda oo aad u sarreeya iyadoo lagu baaqayo in la hagaajiyo maamulka.
Boqolaal qof ayaa la xidhay. Safaaradda Ruushka ee Abuja ayaa beenisay inay ku lug leedahay dibadbaxyada. Sanadihii la soo dhaafay hoggaamiyeyaasha afgambiga ku qabsaday dalal kale oo ku yaalla galbeedka Afrika ayaa xidhiidh milateri iyo mid siyaasadeed oo dhow la lahaa Moscow