Waxaa si weyn isha loogu hayaa doorashada madaxtinimo ee maamulka Jubbaland taas oo la filayo maalmaha soo socda in lagu qabto gudaha magaalada Ksimaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.
Tan iyo shalay markii la dhaariyay xubnaha baarlamaanka maamulkaas waxaa soo ifbaxayay walaac la xiriira doorashada iyo qaabka ay ku qabsoomi karto maadaama xildhibaano kale ay ku dhawaaqeen siyaasiyiinta mucaaradka ah ee danaynaysa madaxtinimada ee maamulkaas.
Dhinaca kalana warar soo baxaya ayaa sheegaya in maanta garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ay ka degeen saraakiil dhinaca Sirdoonka ah oo ka socota dowladda Itoobiya kuwaas oo danaynaya in ay galaan gal ku yeeshaan doorashada.
Saraakiishaan ayaa la sheegay in shalay qaab qarsoodi ah ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho isla markaana ay kulamo kula qaadan doonaan Kismaayo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Doorashada Jubbaland ayaa la rumaysanyahay in walaac fara badan ku gadaamanyahay marka loo eego hanaanka ay wax ku socdaan dowaladda fedraalka iyo Beesha caalamku wax war ah kama soo saarin liiska xildhibaanada ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka sidoo kalana shalay lagu dhaariyay isla Kismayo.