Maxaa ka jira in dowladda Federaalka fara gelin ku hayso doorashada Koofur Galbeed?

Qaar tirsan Mudanaaysaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka DFS oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin wax faro galin ah oo Dowladda Soomaaliya ku heyso Doorashadda Madaxweynaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mudanaayaashan Golaha Shacabka oo lahadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in siwaangsan u socoto Ololaha Doorashadda Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed taas oo dhawan lafilayo inay ka dhacdo Magaaladda Baydho.

Xildhibaan Cabdullaahi Abshirow oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa sheegay in aysan jirin wax faro galin ah oo Dowladda Soomaaliya ku heyso Doorashadda Madaxweynaha ee Koonfur Galbeed taas badalkeedana Dowlad Goboleedyaddu u madax banaan yihiin arrimaha Doorashooyinkooda.

“Doorashooyinka Koonfur Galbeed waxaan maqlay in laleeyahay waxaa faro galin ku haya Xukuumadda taas waxba kama jiraan aniga ayaa tahay Magaaladda Baydhabo oo deegaankeyga ah mana ku soo arkin wax lasheegayo runtii Maanta wax faro galin majirto balse badalkeeda waxa socda Hormar wanaagsan oo meelkasta laga wado” sidaas waxaa sheegay Xildhibaan Cabdullaahi Abshirow oo lahadlay Radio Muqdisho.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdullaahi Abshirow waxaa uu sheegay in Shacabka Koonfur Galbeed aad u taageersan yihiin Dowladda Soomaaliya kadib markii Dowladdu ku guuleysatay in Maleeshiyaadka Al Shabaab ka saarto Wadada isku xirta Muqdisho iyo Marka oo Muddo dadka Shacabka ah Al Shabaab ku dhibaateyn jireen, sidoo kalena Ciidanka Xoogga dalka ku guuleysteen inay kala qaadaan Maleeshiyo Beeleed muddo isku hor fadhiyey Duleedka Magaaladda Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

“Shacaabka Koonfur Galbeed waxaa ay ii soo dhibeen Fariin ay ugu mahadcelinayaan Madaxeweyne Farnaajo iyo Reysul Wasaare Kheyre iyo dhamaan Madaxda Dowladda Soomaaliya aad ayey u soo dhaweeyeen Howlgalkii lagu furay wadada isku xirta Muqdisho iyo Marka oo aan muddo badan lamarin, sidoo kale waxaa ay ka mahadcelinayaan in kala qaaday Maleeshiyo Beeleedkii Marka muddo isku heystay sidoo kalena heshiis arrintaas laga gaaray”.

Dadaalkan ay wado Dowladda Soomaaliya ee dhanka Howlgalada lagula Dagaalamayo Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa ah mid ay siwaansan u soo dhaweeyeen dadka Soomaaliyeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor