HomeWararMaxaa ka jira in dad shacab ah si bareer ah loogu dilay...

Maxaa ka jira in dad shacab ah si bareer ah loogu dilay Gaalkacyo?

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Maamulka Galmudug ay dad shacab ah ku dileen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, hayeeshee waaxa wararkaas ka hadashay Galmudug. Wasiirka Warfaafinta dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Shire Falagle ayaa beeniyay wararka sheegayay in Ciidanka amniga ay si bareer ah […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Maamulka Galmudug ay dad shacab ah ku dileen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, hayeeshee waaxa wararkaas ka hadashay Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Shire Falagle ayaa beeniyay wararka sheegayay in Ciidanka amniga ay si bareer ah u dileen shacab ah oo looga shakiyay amni darro , wuxuuna ku tilmaamay wararkaaas kuwo been abuur ah.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Wasiir Falagle in aysan jirin sabab keeni karta in laamaha amniga Magaalada Gaalkacyo ay si bareer ah u dilaan shacab ah oo waxba galabsan, isagoo tilmaamay in arritaas aysan aqbaleyn.

“Meeshii la tuhmo uun bay ciidanka amniga gelayaan, meel ay kala kulmeen iska caabin ama xabado inta leesku riday ay dad ku dhinteen ma ay jiri, Meelaha ku talagalka loo gelaayo waxa ay aheyd meelo tuhun ka jiray, iska caabin iyo xabadana kama dhicin” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Galmudug.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka ayuu tilmaamay in laamaha amniga ay howlgalo kala duwan ka wadaan koonfurta Magaalada Gaalkacyo, si loo xaqiijiyo amniga Magaalada, shacabana looga baahan yahay inay la shaqeeyaan laamaha amniga.

- Advertisement -

Si kastaba Gaalkacyo ayaa jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay qarax is-miidaamin ah oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isla markaana halkaas ay ku geeriyoodeen Saraakiil Ciidan iyo dadweyne shacab ah oo ku sugnaa hal goob.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts