Matabaan: Nolosha dadka ku sugan Deegaano hoos-taga Matabaaan oo laga deyrinayo

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Matabaan ayaa ku waramaya in halkaasi ay ka jito xaalad adag oo la xariirta dhinaca Nolosha.

Degaano hoos-taga degmada Matabaan ayaa laga soo sheegayaa xaalado daran oo ay sababtay Abaarta ka jirta qeybo kamid ah dalka.

Deegaanada Geel-Kudhal, laanta saban, Qabno, Beer-Gadii, Jiracle Ayaa ah deegaanada ugu daran ee laga soo sheegayo dhibaatooyinka,waxaana dadkaasi oo ahaa Xoolo dhaqato ka dhamaaday xoolihii,mana heystaan wax ay Cunaan ama ay Cabaan abaarta darteedna gobolka Hiraan waxaa ugu udhintay Dad badan oo gaajo iyo haraad ugu geeriyooday Gobolkaas.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka Matabaan Ducaale Aadan Cabdi oo booqday deegaanada ugu daran ee ka jirto Abaarta ayaa ku baaqay in loo soo gurmado dadkaasi,si loo badbaadiyo Nolosha dad badan oo halis ugu jira Abaarta.

Baaq-yada la dirayo ee wax ka qabashada abaarta ayaa ah halkoodii, iyadoo dhibaatada ay ka sii dareyso dadkuna ay gaajo udhimanayaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media