Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay kulan muhiim ah ku yeelan doonaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho .
Kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa hortagaya Mas’uuliyiinta Hay’adaha amiga dowladda,iyadoona uu yahay kulankaan mid Albaabaddu u xiran yihiin oo aan Warbaahinta loo ogoleyn.
Wasiirada Gaashaandhigga iyo amniga,Taliyeyaasha Ciidamada dowladda ayaa Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka waxa ay Su’aallo ka weeydiin doonaan xaalada amiga dalka oo muddooyinkii dambe ka dhaceen qaraxyo iyo dilal qorsheysan.
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa kulankii shalay ee waqti dambe la isla gaaray ee Xildhibaanada ayaa sheegay in Kulanka Maanta uu yahay mid Albaabadu u xirnaan doonaan,isla markaana Saxaafada ay dib joog ka noqon doonto .
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa mudooyinkii dambe ka dhacayay falal amnigdarro xun,iyadoo shalay ay ugu dambeeysay oo gudaha Magaalada ay ka dhaceen Banaanbaxyo rabshado watay,kuwaasi oo sababay Khasaaro Dhimasho ah iyo mid Hantiyadeed inta badan,kadib markii Askari ka tirsan Ciidanka dowladda uu toogtay Darawal Mooto Bajaaj iyo Wiil dhalinyaro ahaa oo la socday.