Saddex Mas’uul oo ka tirsan Madaxda Soomaalida ee W/bari Kenya ayaa la sheegay in xabsiga loo taxaabay, kadib, markii lagu soo oogay inay ku lug lahaayeen dagaal beeleed isbuucii hore dhex maray labo beelood oo Soomaali ah.
Madaxa Ammaanka Manderea, Alakis Nokonyo ayaa sheegay in la xiray saddex Mas’uul oo ka hawlgeli jirey Deegaannadda Ceelmoole, Hullow iyo Baniisa, kuwaasi oouu sheegay inay ku guul-daraysteen inay faragelin ku sameeyaan dagaalkaasi oo lagu dilay 15 qof.
Waxa kaloo uu sheegay inay ku raad joogaan dad kale oo lala xiriirinayo dagaalkaasi, isla markaana ay Askar badan geeyeen goobihii lagu dagaalamay.
Dagaal-beeleedyadda ka dhaca W/bari Kenya  ayaa la sheegay  inay ku geeriyoodeen boqolaal qof, iyadoo kumanaan kalena ku barakaceen.