Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Wadani oo Caawa lagu xiray Hargeysa

Waraka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa halkaas lagu xiray Afhayeenka iyo Xoghayihii Guud ee Xisbiga Waddani ee Somaliland.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xabsi ku yaalla Hargeysa ku xiray Khadar Xuseen Cabdi oo ahaa Xoghayihii iyo Barkhad Jaamac Batuun oo isna ah Afhayeenka Xisbiga Waddani

Afhayeenka Xisbiga ayaa warbaahinta la hadlay kahor inta aan xabsiga loo taxaabin, isagoona sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ay Ciidamo geysay Xarunta Xisbiga Waddani ee Hargeysa.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga waddani Cabdiraxaan Cirro ayaa Maanta taageerayaasha xisbigiisa ugu baaqay in berri ay isugu soo baxaan banaanbax ballaaran.

Si kastaba Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in Hargeysan uusan ka dhici doonin banaanbaxa uu ku baaqay Guddoomiye C/raxmaan Cirro, isla markaana ay ka hortegi doonaan tallaabadaas.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media