Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo furaya imtixaanka dugsiyada sare ee dalka

Maanta oo sabti ah ayaa waxaa bilaabanaya imtixaanka Shahaadiga dugsiyada Sare oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya,iyada oo uu ka bilaabanayo gobolada dalka oo fhan.

Dhowr iskuul oo ku yaalla Muqdisho ayay maanta ka bilaaban doonaan imtixaanadaas waxaana aad loo adkeeyey amniga Muqdisho,iyada oo sidoo kale ciidamo lageeyey xarumaha imtixaanka lagu galayo.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Soomaaliya ayaa horay u sheegay in Maanta imtixaanka uu u bilaaban doono 27 kun iyo 600,oo arday oo guud ahaan dalka ah marka laga reebo magalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan oo fatahaad ay ka dhacday.

Dhammaan deegaanada maamul goboleedyada ayuu imtixaanka ka bilaaban doonaa,waxaana kormeer ku tegi doono xarumaha imtixaanka lagu galayo masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor