HomeWararMas’uuliyiin  ka socday Dowladda Federaalka  oo Kormeer ku tagay Gobolka Bakool

Mas’uuliyiin  ka socday Dowladda Federaalka  oo Kormeer ku tagay Gobolka Bakool

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Sii hayaha wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukumadda federalka Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa  kormeer ku tagaya degmada Xudur ee Gobolka Bakool isagoo u kuurgalaya sida halkaasi uu uga socdo barnaamijka Baxnaano. Sii ahayaha wasiirka shaqada dowladda Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa sheegay in 20,700 oo ka mid ah danyarta gobolka oo ku nool […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sii hayaha wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukumadda federalka Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa  kormeer ku tagaya degmada Xudur ee Gobolka Bakool isagoo u kuurgalaya sida halkaasi uu uga socdo barnaamijka Baxnaano.

Sii ahayaha wasiirka shaqada dowladda Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa sheegay in 20,700 oo ka mid ah danyarta gobolka oo ku nool Xudur iyo deegaanada hoos yimaada ay ka faa’iidaysan doonaan barnaamijkan oo lagu horumarinayo hab nololeedkooda.

- Advertisement -

“Waxaan maanta booqasho hal maalin ah ku tagey degmada Xudur, kaasi oo ahaa  socdaal la xiriirtay u kuur-galidda iyo qiimeynta barnaamijka Baxnaano, waxaan guryahooda ugu tagney qoysaska ku nool deegaanada ku dhow magaalo madaxda gobolka Bakool, ee kala ah Weerow iyo Tubooy” ayuu yiri wasiir Sadiiq.

Sii hayaha wasiirka shaqada ayaa sidoo kale ayaa maamulka degmada Xudur uga mahadceliyay sida ay u maamuleen mashruuca oo ah in sidii loogu talagalay loo gaarsiiyo dadkii mudnaa.

“Barnaamijka Baxnaano natiijada laga doonayo waa in qoysaska nugul uu u horseedo kor u kac nololeed, taas oo maanta ay qireen qoysaskii aan booqanay. sidoo kale waxaan warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta degmada, kuwa gobolka iyo qaybaha bulshada” ayuu yiri sii hayaha wasiirka shaqada Mudane Sadiiq Xiri warfaa.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 18-dii bishii April ee sanaadkan daahfuray barnaamijka Baxnaano oo taakuleyn dhaqaale lagu siinayo qoysaska danyarta ah.

Barnaamijkan oo ah wajiga 1-aad, waxaa lagu caawinayey 200,000 oo ah qoysas sabool ah (qiyaastiina ah 1.3 milyan oo qof) oo haysto carruur da’doodu ka hoosayso shan sano ee guud ahaan dalka Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts