Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka muudg waxaa xalay lagu dilay Xisaabiyihii Dowladda Hoose ee Gaalkacyo,iyada oo dadkii ka dambeeyey dilkaas ay baxsadeen.
Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa la sheegay in xisaabiyaha ay ku dileyn Waqooyiga Magalada Gaalkacyo ee Puntland,sida ay Dalsan u sheegeen dad ku sugan Waqooyiga Gaalkacyo.
Xisaabiyaha oo lagu Magacaabi jiray Axmed Deeq Cali Hayaan ayaa markii hore dhaawac aahan loogu qaaday isbiatalka Magaalada Gaalakcyo balse markii dambe uu dhaawicii u geeriyooday.
Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay,in kastoo aysan ku guuleysan in ay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyey dilka Xisaabiyihii Dowladda Hoose ee Gaalkacyo.