HomeWararMasjid ku yaalla Gobalka Florida ee Maraykanka oo dab la qabadsiiyey.

Masjid ku yaalla Gobalka Florida ee Maraykanka oo dab la qabadsiiyey.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Masjidka oo ku yaalla Gobalka Florida ayaa la sheegay inay Kooxaha Islaam Nacaybka ku gaamurtay ka dambeeyeen Falkaasi oo ku soo beegmay iyadoo ay Musliiminta u dabaal degayaan Farxadda Maalinta Ciidul Adxaha. Kooxaha Dab Damiska ayaa gacan ka geystay sidii loo damin lahaa Dabka la qabadsiiyey Masjidka iyo Xarunta Islaamka ee ku taalla Degmadda Fort […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Masjidka oo ku yaalla Gobalka Florida ayaa la sheegay inay Kooxaha Islaam Nacaybka ku gaamurtay ka dambeeyeen Falkaasi oo ku soo beegmay iyadoo ay Musliiminta u dabaal degayaan Farxadda Maalinta Ciidul Adxaha.

Kooxaha Dab Damiska ayaa gacan ka geystay sidii loo damin lahaa Dabka la qabadsiiyey Masjidka iyo Xarunta Islaamka ee ku taalla Degmadda Fort Piere oo ku-dhawaad 160 KM dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Orlando ee Gobalka Florida.

- Advertisement -

Muuqaal laga dheehday Kamerooyinka Qarsoon ee Masjidka ayaa muujinaya labo nin oo caddaan ah oo watay mooto, kuwaasi  oo watay Waraaq iyo Dhalo ay ku jireen Dareere u ekaa Bansiin, oo ay ku ololiyeen qeyb ka mid ah Masjidka.

Gaashaanle David Thompson oo ka tirsan Xafiiska Shariifka ee Saint Lucle ayaa sheegay inaysan hubin inuu falkaasi yahay Fal Nacayb Cunsuriyad leh.

Baarayaasha ayaa rueysan in Falkaasi lala xiriirin karo 15-guuradii ka soo wareegtay Weerarkii Daaraha Mataanaha ee September 11 ee sannadkii 2001-dii.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Afhayeenka Golaha Xiriirka Islaamka Maraykanka ee Gobalka Florida, Ahmed Bediyer ayaa ugu baaqay Maamulayaasha inay Kiiskaasi u baaraan inuu ahaa Fal Nacayb oo ka dhan ah Muslimiinta u dabaal degayso Farxadda Ciidul Adxa.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts