HomeWararMashruuca ARAGTO-IFISO oo uga digay Maamul-gobaleedyadda inaan la aqbali doonin Xulasho aan...

Mashruuca ARAGTO-IFISO oo uga digay Maamul-gobaleedyadda inaan la aqbali doonin Xulasho aan Haween lahayn.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

War-Saxaafadeed ka soo baxay Mashruuca bulshada rayidka ah ee ARAGTO-IFISO ayaa lagu sheegay inay maalmihii la soo dhaafay il gaar ah ku eegayay, si dhowna ula socday qaabka xulista iyo magacaabista Aqal Sare ee odayaasha iyo weliba golaha baarlamaanka oo isna dhawaan la filayo iyo sidoo kale xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%. War-saxaafadeedka waxaa lagu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

War-Saxaafadeed ka soo baxay Mashruuca bulshada rayidka ah ee ARAGTO-IFISO ayaa lagu sheegay inay maalmihii la soo dhaafay il gaar ah ku eegayay, si dhowna ula socday qaabka xulista iyo magacaabista Aqal Sare ee odayaasha iyo weliba golaha baarlamaanka oo isna dhawaan la filayo iyo sidoo kale xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%.

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in ARAGTO-IFISO boogaadineyso Maamulka Koofur-Galbeed oo u hoggaansamay go’aankii Guddiga Doorashada Heer Federal iyo Heshiiskii Madasha Wada-tashiga qaran ee National Leadership Forum ee ahaa inaan lagu xadgudbin kootada haweenka ee 30%, isla markaana maamul goboleed kasta uusan muran gelinin.

- Advertisement -

dr-xasan-shire“Waxaan ugu baaqeynaa maamul goboleedyada kale sida Galmudug, Puntland, iyo Juabbaland inay dhinacooda tixgaliyaan qoondada haweenka, isla markaana wax ka badalaan liiskooda, ma dhici karto xulasho haween la’aan ah” ayuu yiri Xasan Shire oo ah madaxa mashruuca ARAGTO-IFISO. “Guddiga doorashada waxaan ugu baaqeynaa inaysan aqbalin soo gudibn aan waafaqsaneyn heshiisyada iyo go’aanadda kor ku xusan” ayuu sii daba dhigay Xasan Shire.

“Xuquuqda haweenku waa xaquuqda aadanaha, cid kasta oo isku dayda inay ku xadgudubtana waan uga digeynaa” ayuu sharraxay mudane Xasan Shire.

ARAGTO-IFISO waxay sidoo kale boogaadineysaa guddoomiyaha guddiga doorashada dababan Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegey) dadaalkiisa ku aadan habsamida iyo hannaanka Doorashooyinka oo uu xil gaar ah iska saaray.

- Advertisement -

 ©Radio Dalsan

 

 

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts