Markab hubka Sida oo la sheegay inuu Masar ka yimid oo kusoo xirtey dekada Muqdisho. Waa hubkii ugu horeeyay oo dowladda Soomaaliya lasoo degto tan iyo markii xayiraadda hubka laga qaaday dalka Dec 2023.
Wadooyin badan oo caasimadda Muqdisho ah ayaa xalay la xiray, sababo la xiriiray Hubka oo soo degayay.
Masar ayaa hub iyo Ciidan usoo diraysa Soomaaliya, iyadoo ka leh gobolka Geeska Africa dano istaraatiijiyadeed oo ku aadan biyaha Nile
Markab sida hub ayaa kusoo xirtey dekedda Muqdisho, hubkan oo la sheegay inuu ka yimid dalka Masar, waa kii ugu horreeyay oo dowladda Soomaaliya lasoo degto tan iyo markii xayiraadda hubka laga qaaday bishii December 2023. Hubkan oo la filayo in si weyn looga faa’iideeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa ah mid muhiim ah oo qayb ka ah dadaalka dowladdu ku xoojinayso awooddeeda milatari, si ay uga hortagto khataraha amni ee dalka ka jira.
Mudooyinkii dambe, hub ayaa si aad ah soo galayay Soomaaliya, oo dhinacyo kala duwan keensadeen, kana yimid dowlado is diidan, Waddooyin badan oo ka tirsan caasimadda Muqdisho ayaa xalay la xiray, arrintaas oo qayb ka ahayd sugidda amniga inta lagu guda jiro hubka oo dekedda kasoo degayay.
Ciidamo aad u badan oo amniga ilaalinayay ayaa la geeyay meelaha muhiimka ah ee magaalada, si loo xaqiijiyo in hubka si nabad ah loo soo dejiyo. Dadweynaha Muqdisho ayaa arrintan la yaab ku noqotay, maadaama aysan horay u arag qalab ciidan oo sidan oo kale ah oo dalka soo gaaraya tan iyo markii cunaqabateynta hubka la qaaday.
Masar ayaa si toos ah hub iyo ciidamo usoo diraysa Soomaaliya, iyadoo ku leh dano istiraatiijiyadeed gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan biyaha webiga Nile oo xiisado badan ka taagan yihiin. Masar waxay si gaar ah u daneyneysaa inay saameyn ku yeelato gobolka, maadaama ay isku dayeyso inay ka hortagto in dalalka kale ee ku yaalla Geeska Afrika ay awood ciidan oo la tartami karta sameystaan. Soomaaliya, oo ah dal muhiim ah dhinaca badda iyo isku xirnaanta gobolka, ayaa loo arkaa mid ay Masar dooneyso inay galaangal ku yeelato.
Xiriirka cusub ee Masar iyo Soomaaliya ayaa waxaa si dhow ula soconaya dalal badan oo gobolka ka jira, iyadoo laga cabsi qabo in hubka iyo ciidanka ay Masar soo dirayso ay saameyn ku yeeshaan colaadaha ka aloosan gobolka, gaar ahaan xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, Masar ayaaan hadda u muuqata saaaxiib muhiim ah oo ku gaarbsiinaya Soomaaliya ka hortagga faragalinta Itoobiya ku hayso madaxbanaanida dalkeenna.