Aabaha dhalay ninkii Masaarida ee weerarka ka geystay Paris oo hadlay..

 

Sarkaal u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee AP in Ninkii ay Boliska Faransiiska Jimcihii ku dhaawaceen Madfax ku yaalla magaalladda Paris lagu magacaabo Cabdalla Reeda Refaaci Al-xamaami oo 28-jir ah.

Ninkaasi oo ku hubeysnaa Faash ayaa waxaa dhaawacay Askari ilaalo ka hayey Madxafka, kadib, markii uu Askariga dhaawacay.

Dhinaca kale, Aabaha dhalay Eedeysanahaasi ayaa sheegay inuu ka argagaxay markii uu maqlay Warka ku aadan Wiilkiisa, wuxuuna xusay inuu Wiilkiisu ahaa qof caadi ah oo aan ka tirsanayn Kooxaha Xag-jirka.

Ilaa iyo hadda. Dowladda Faransiiska kuma dhawaaqin magaca Eedeysanahaasi oo haatan lagu hayo meel gaar ah, kadib, markii laga  daaweeyey  dhaawacyo ka soo gaaray Caloosha.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media