Masar iyo Jabuuti oo ka wada hadlay Xaalladda Somalia iyo Ammaanka Badda Cas.

Wargeyska Maalinlaha ee Al-masri Alyoon ee ka soo baxa magaalladda Qaahira ayaa qoray in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar, Samiix Shukri iyo dhigiisa dalka Jabuuti, Maxamuud  Cali Yuusuf ka wada arrinsadeen Xiriirka labadooda Waddan, Xaallaadaa Somalia iyo Yemen, Ammaanka Geeska Afrika, Gacan-biyoodka Baabul Mandab ee Gacanka Carabta iyo Biyo-xireenka Ethiopia ka dhistay Webiga Niil.

Labada Wasiir waxay kulankooda ku yeesheen Caasimadda dalka Muratania ee Nawakshoot, halkaasi oo  ay ka qeyb galay Shirkii Golaha Fulinta ee Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Qaaradda Afrika ugu gogol-xaarayeen Shir-madaxeedka Madaxda Afrika oo berrito ka furmi doona dalkaasi.

  

Afhayeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Msaar, Axmed Abu Zayd ay aa sheegay inay Labada Wasiir isla eegeen sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga labada waddan, gaar ahaan Ammaanka Badda Cas iyo sidii Dowladda Masar Deegaan Loojistiko oo xor ah looga siin lahaa Dekeddaha Jabuuti.

Xigasho: Al-Masry Al-Youm

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media