Masaajidyo ku yaalla UK oo la weeraray iyo Muslimiinta dalkaas oo ka carooday

War ka soo baxay dalad ay ku mideysan yihiin Muslimiinta ku nool Wadanka UK yaa waxaa looga hadlay weerar lagu qaaday masaajido ku yaal magaalada Birmingham xilli lagu jirey Salaadii Cishaha.

Masaajiyada weerarka lagu qaaday ayaa kala ah Qamarul Islaam iyo Al-Hijrah,waxaana dhibaatooyin loo geystay qaar ka mid ah miraayadaha daaqadaha Masaajidyadaas,iyada oo aan weli la aqoonsan dadkii ka dambeeyey weerarkaas.

Dalad ay ku mideysan yihiin Muslimiinta ku nool Wadanka UK ee Bahu Trust ayaa waxa ay sheegeen in ay cambaareynaayan falkaas,oo aysan ogeyn waxa keenay in masaajida la weeraro.

Ciidamo xoogan oo ka tirsan Police-ka ayaa loo daabulay aagaasi sida ay barta Twitter-ka ku xaqiijiyeen saraakiisha amniga magaalada Birmingham.

Sidoo kale saraakiisha booliska ayaa waxa ay sheegeen in ay wadan baaritaano ku aadan dadkii ka dambeeyey weerarkaas,iyaga oo sheegay in uu ahaa mid naceyb ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor