Marwada Madaxweynaha Dalka Zeynab Cabdi Macalin  ayaa hambalyo u dirtay haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan xuska maalinta haweenka caalamka ee 8-da Maarso, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed, iyadoo ku tilmaamay doorka haweenku ay ku leeyihiin bulshada inuu yahay mid muhiim ah, marka loo ego dib u dhiska dalka iyo dawladnimadaba
Marwada Madaxweynaha Dalka ayaa sheegtay in haweenku ay yihin laf dhabarta bulsho walba gaar ahaan umada Soomaaliyeed , waxeyna sheeegtay intii uu dalka ku jiray dagaalada in doorka haweenka ee qoyska uu aha mid muuqda myna qaateen door weyn .
Ugu danbayntii Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Zeynab Cabdi Macalin  ayaa tilmaamtay in Haweenku ay ku leeyihiin horumarka bulshda door aan caadi ahayn marka la qeexayo aayaha Ummadda Soomaaliyeed. Waxaana xusid mudan in dumarku kaalin muuqata ka qaataan dhanka nabadaynta iyo is dhex galka bulshada.
Manta aya lagu wada in munaasabad weyn la qabto oo ku aadan dabaaldaga Maarso.