Markabkaasi oo Shixnad Qamadi ah u waday Dekedda magaalladda SALIF ee Gobalak Xudeydah ayaa la sheegay inuu qarax qabsaday, mana kala cadda waxa sababay Qaraxaasi.
Kabtanka Mrakabka INCE INBOLU ayaa la sheegay inuu Isbahaysiga Sacuudiga ka diiday inay baaritaan ku sameeyaan waxa dhaliyey Qaraxaasi.
Marakabkaasi oo ay la socdeen 23 shaqaale ayaa la sheegay in loo jiiday Deked ku taalla Sacuudiga, si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo waxa dhaliyey Qaraxaasi.
Dhinaca kale, Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegtay in ay Diyaaradaha Isbahaysiga Sacuudiga duqeeyeen Markabkaasi shixnadda mucaawinadda u so owaday Yemen.