HomeCaalamkaMarkab Dagaal ay leedahay Dowlad oo Dab xoog leh qabsaday

Markab Dagaal ay leedahay Dowlad oo Dab xoog leh qabsaday

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wakaalladda Wararka Iran ee FARS ayaa saakayto sheegtaay inuu dab ka kacay Markab dagaal meel ku dhow Afaafka hore ee Gacanka Cumaan. Markabkaasi ayaa waxaa uu qeyb ka ah Maraakiib Dagaal oo Carbis Milliteri ka waday meel ka baxsan Xeebaha dalka Iran. Kooxaha Dab-damiska ayaana ka qeyb galay Daminta dabka ka kacay Markabkaasi oo ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wakaalladda Wararka Iran ee FARS ayaa saakayto sheegtaay inuu dab ka kacay Markab dagaal meel ku dhow Afaafka hore ee Gacanka Cumaan.

Markabkaasi ayaa waxaa uu qeyb ka ah Maraakiib Dagaal oo Carbis Milliteri ka waday meel ka baxsan Xeebaha dalka Iran. Kooxaha Dab-damiska ayaana ka qeyb galay Daminta dabka ka kacay Markabkaasi oo ku sugnaa meel ku dhow Dekedda magaalladda Jaasak ee dalka Iran.

- Advertisement -

Badmaaxiintala socotay Markabkaasi ayaa waxaa la sheegay in la soo badbaadiyey, iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixinin waxa sababay dabka ka dhex kacay Markabkaasi.

Bishii April ee sanadkan, Markab Dagaal oo ay Iran leedahay ayaa waxaa lala beegsaday Qarax, iyadoo ay Wararku sheegeen in Markabka ay la kacday miino nooca Soo-boodaada ah.

Sanadkii la soo dhaafay, Markab Dagaal oo ay Iran leedahay ayaa waxa si kedis ah ugu dhacay Gantaal, xilli uu Carbis Milliteri socday, iyadoo ay 19 Badmaax ku geeriyootay, halka ay 15 kalena ku dhaawacmeen.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts