Mareykanka oo war kasoo saarey doorashada Ruto

Safaaradda Mareykanka ee Kenya, ayaa ku ammaantay dadka Keenyaanka ah sida nabadda ah ee ay u codeeyeen, waxayna ku boorisay dhammaan dhinacyada inay ka wada shaqeeyaan sidii si xasilooni leh looggu dhameyn lahaa wixii tabasho ah ee haray.

Waxay intaa kudartay safaaradda ku dhawaaqista William Ruto inuu yahay madaxweynaha la doortay ee Kenya inay tahay “mid muhiim u leh hannaanka doorashada”.

“Innagoo horay u talab sanayna, waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada inay ka wada shaqeeyaan sidii si nabad ah loogu xallin lahaa wixii tabasho ah ee ka haray doorashadan, iyadoo loo marayo hanaan wanaagsan oo lagu xalinayo khilaafaadka jira,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Safaaradda ayaa ka codsatay hoggaamiyeyaasha siyaasadda inay sii wadaan ku boorinta taageerayaashooda inay ilaaliyaan xasiloonida iyo nabadda, ayna ka fogaadaan rabshadaha inta lagu guda jiro hannaanka doorashada.

Ruto ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashada, isagoo helay 50.49% codadkii la dhiibtay, wuxuu si dirqi ah kaga guuleystay ra’iisal wasaarihii hore ee Raila Odinga.

Wakiilada ra’yi ururinta ee Odinga, ayaa si kastaba ha ahaatee sheegay in aanay xaqiijin karin natiijada.

Afar kamid ah todobada xubnood ee guddiga doorashada qaranka Kenya, ayaa ku dhawaaqay in aanay cadeyn karin “inay sax tahay natiijada doorashada”.

Ruto ayaa balan qaaday inuu u shaqayn doono dhamaan shacabka Keenyaanka ah, isagoo sheegay in natiijadu ay tahay tii ugu hufneyd ee kasoo baxda doorasho lagu qabtay dalka Kenya.

Dabaal dagyo ayaa ka dhacay goobaha ay ku xoog badan yihiin taageerayaasha Ruto, halka qaar kamid ah goobaha ay ku tiro badan yihiin taageerayaasha Odinga laga soo sheegayo mudaaharaadyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor