Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn uu ka fuliyay Jubbada Hoose

Taliska Mareykanka qaarada Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose uu ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday shalay lagu dilay laba dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab,kuwaasi oo ku sugnaa duleedka Kismaayo.

Sidoo kale Warka kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu xusay in duqeyn ay timid kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen duleedka Kismaayo.

Ugu dambeyntii Africom ayaa tilmaamtay in duqeyntaas dad rayid ah aysan wax ku noqon.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media