Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn maalmo ka hor ka dhacday Buuraha Golis

Afhayeenka Hawlgalka AFRICOM,  John D. Manley ayaa sheegay inay duqeyn Diyaaradeed oo ay bishii hore ee May 26-dii, kuna beeegnayd maalintii Axadda ee  isbuucii hore ay ku dileen 3 Dagalaame Alshabaab oo ku sugnaa Buuraha Golis ee Waqooyiga Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Qoraal E-mail oo uu u diray Shabakadda Wararka ee militarytimes.com  waxa uu ku xusay inay duqeyntaasi ahayd tii 6-aad ee ay bishii hore ee May ku beegsadeen deegaanadda ay Alshabaab iyo Daacish-ta Somalia kaga sugan yihiin Gobalka Bari.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay iskaashiga DFS sababtay in lagu guuleysto in la yareeyo Dhaqdhaqaaqyaddii ay Alshabaab iyo Daacish-ta Somalia ka wadeen Buuraha Golis, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale,  Agaasime-ku-xigeenka AFRICOM , Jeneral Robert Huston waxa uu sheegay in ay Duqeymaha abuurtayfursad lagu sii wadi karo dadaalka ka socda gudaha Somalia iyo dhaqdhaqaaqyadii dhulka ee Alshabaab iyo Daacish-ta Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Cilmi-baare wax ku qora Wargeyska Long War Journal oo lagu magacaabo Caleb Weiss ayaa sheegay inay Ciiddanka Ammaanka Maamulka puntland  ka shaqeeyeen sidii ay uga faa’idi lahaayeen dagaalkaay Alshabaab iyo Daacishta Somalia ku beegsanayaan Buuraha Golis ee u dhow magaalladda Bosaaso oo ay ku taallo Dekedda ugu weyn Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media