War ka soo baxay taliska Mareykanka ee Qaarada afrika oo loo yaqaano (Africom) ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday deegaano ka tirsan Gobolka Baay ku dileen dagaalyahano ka tirsan  Al-Shabaab.
Qoraalka ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Lebede oo ka tirsan Gobolka Baay,isla markaana lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab .
Sidoo kale War ka soo baxay taliska Mareykanka (Africom) ayaa waxa ay ku sheegeen in duqeyntaas ku dileen 9 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab,balse aysan jirin dad shacab ah oo waxyeelo ay kasoo gaartay duqeyntaasi.
Dhinaca kale War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya saaxiibo Caalami ah in ay weerar qorsheysan ay ka fuliyeen Gobolka Baay, kaas oo lagu dilay saraakiil iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.