Mareykanka oo sheegtay in uu duqeyn ku dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa duqeymo dhinaca circa ah ay ka dhacayeen deegaano ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug,waxana lala eegtay Saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab,iyada oo Mareykanka uu warka soo saaray.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa sheegey in ay shalay duqeyn ka geysteen deegaanka Quy Cad oo ka tirsan gobolka Mudug.

Warsaxaafadeed ay soo saareen ayey ku sheegeen Africom in iyagoo kaashanaaya dowlada federaalka ay halkaas duqeyn dhinaca cirka ah ka geysteen.

Waxaa kale oo ay warsaxaafdeedkooda ku sheegeen in ay qiimeynayaan khasaaraha weerarkaas, iyagoo xusey in aysan jirin dad rayid ah oo wax ku nqodey.

Africom ayaa sheegtey in weerarkaas ay ku dileen 7 ka mida dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Waa markii labaad ee weerar noocan ah ay ka geystaan aagaas todobaadkaan gudhiis.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor