Mareykanka oo sheegtay duqeyn laga fuliyey duleedka Magalada Muqdisho

Taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in ay 2dii bishan 4 qof oo ay ku tilmaameen “argagixiso” ku dileen meel 74 KM waqooyiga galbeed ka xigta magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in iyadoo la kaashanayo xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ay ciidanka Ameerikaanku qaadeen weerarkaas oo ahaa mid dhinaca cirka ah.

Wuxuu war saxaafadeedku intaa ku daray in aysan jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay.

Dhinaca kale Dadka deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ayaa iyana  waxa ay sheegayaan in dhowr qof oo rayid ah ay ku dhinteen weerar loo malaynayo inuu yahay mid ay ka dambeeyeen ciidamada Mareykanka.

Weerarka ayey dadka deegaanku sheegeen inuu shalay gelinkii hore ka dhacay inta u dhaxaysa tuulooyinka Goobaale iyo Baladul-amiin ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dadka dhintay ayaa la sheegay in ay wada saarnaayeen hal gaari, kaasoo gantaal lagu dhiftay.

Maraykanka ayaa dayaaradaha bilaa duuliyaha ah u adeegsada inuu kula dagaallamo kooxaha ka soo horjeeda dowaldda sida Al-Shabaab iyo Daacish.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor