Mareykanka oo sheegey in ay bur-buriyeen Saldhig ay Al-shabaab leyihiin

Ciidamada Mareykan ayaa sheegay in ay duqeyn ka fuliyeen Gobolka Jubbada dhexe, waxaana ay sheegen in ay duqeyntaasi la beegsadeen xaruumo Al-shabaaab ku leeyihiin Gobolkaasi.

Ciidamada Mareykanku waxaa ay sheegeen in khamiistii  duqeyn cusub ay ka fuliyeen degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, Mana aysan  sheegin khasaaro nafeed oo soo gaaray Alshabaab, balse  waxaa ay sheegeen in ay bur-buriyewn Saldhig Alshabaab ay ku lahaayeen degmada.

War  ay faafiyeen Taliska ciidamada Marekanka ee qaaradda Africa ayaa, waxaa ay  sheegeen in Gantaallo ay la bar-tilmaameedaaden Saldhig ay ku sugnaayeen Alshabaab, waxaana intaas ay ku dareen in ay bur-buriyeen.

Dhankooda waxaa ay sheegeen Mareykanku in duqeyntaas wax khasaaro ah uusan gaarin, iyagoo intaas ku daray in aysan jirin dad shacab ah oo ku waxyeelobay duqeynta, waa sida ay hadalka u dhigeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media