Mareykanka  oo sheegay inuu Duqeyn ku dilay Sarkaal ka tirsan Al-shabaab

Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in duqayn ay 2-dii bishan April ka gaysteen degaanka Bush Madina ee Gobolka Bay lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Maraykanku waxa uu war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in duqayntaas lagu dilay ninka lagu magacaabo Yuusuf Jiis waa sida ay hadalka u dhigeen.

Maraykanka ayaa ninkaas ku tilmaamay inuu ka mid ahaa aasaasyaasha kooxda, isla markaana  uu kamid ahaa Saraakiisha sar sare ee Al-shabaab ee ka howlgalayay Gobolka Bay.

Bayaan hore oo sabtidii kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka agagaarka tuulada Bush Madina ee gobolka Baay lagu dilay 5 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, iyadoo aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka rayidka ah.

Dhinaca kale ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo ay uga hadlayaan wararka sheegaya  in la dilay Sarkaal ka tirsanaa oo lagu magacaabo Yuusuf Jiis

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media