Mareykanka oo Sheegay inay Dileen Xubin ka mid ahaa Al-Shabaab

Warsaxaafadeed uu soo saaray taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee Africa Command ayaa lagu sheegay in 29-kii bishan July ay Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen howl-gal lagu dilay xubin ka tirsanaa Al-shabaab.

“Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka, ka dib markii ay heshay warar lagu hawl-gali karo iyo sirdoon sax ah, waxay qaadday weerar guuleystay, kaas oo ay ku dishay hal mintid oo ka tirsanaa ururka Al-Shabab.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wax dhibaato ah ayna dadka shicibka ah kasoo gaarin weerarkan.

Warsaxaafadeedka waxa lagu xusay in hawlgalku uu ka dhacay meel u dhow deegaanka Tooratoorow ee koonfurta Soomaaliya.

Warsaxafadeedku waxa kale oo uu sheegay in weerarka la qaaday ka dib markii iskaashi lala sameeyey xulufada gobolka, iyada oo lagaga hortagayo falalka Al-Shabab oo ay ku jiraan weerarada uu ururkaasi dhawaan ku qaaday ciidanka Soomaaliya.

“Waan sii wadaynaa wada shaqeynta aan la leenahay Soomaalida iyo xulufadeena si aan u burburino Al-Shabaab, isla markaana aan kaalin uga geysano deganaanshaha iyo amniga gobolka oo dhan.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media