Mareykanka oo sheegay in uu Duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Taliska Mareykanka ee Qaarada afrika ee (Africom) ayaa soo saaray warbixin la xiriirta duqeyn dhinaca cirka oo Maanta  diyaaradahooda aan duuliyaha laheyn ay ka fuliyeen Gobolka Jubbada Hoose.

Qoraalka kasoo baxay Africom ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab,kuwaasi oo saakay waabarigii hore weerar xoogan ku qaaday Saldhig Ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni.

Sidoo kale  Africom ayaa sheegtay  in duqeynta lagu dilay 52 dagaalame oo ka tirsanaa Al-shabaab,isla markaana lagu bur buriyay gaari ay lahaayeen Shabaabkii saakay weeraray Saldhiga Baar Sanguuni sida ay sheegtay Africom.

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa saakay weerar ku bilowday qaraxyo xoogan waxa ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose,waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Dhinaca kale Saraakiisha Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in weerarka ay Al-Shabaab kusoo qaadeen Saldhiga Baar-Sanguuni ku dileen 73 ka mid ah Al-Shabaab,sidoo kalena weerar  dhinaca cirka ah ay Gaadiid uga gubeen sida ay hadalka u dhigeen.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media