Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

War ka soo baxay taliska Mareykanka ee Qaarada afrika oo loo yaqaano (Africom) ayaa waxaa lagu sheegay in,iyaga oo kaashanaya Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay duqeyn ku dileen 8 dagaalyahano oo ka tirsan Al-shabaab

Qoraalka ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeynta oo aheyd mid qorsheysan ay ka dhacday deegaanka Gandarshe ee Gobolka Shabellaha hoose,isla markaana  lala beegsaday dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

“Waxaan fulinay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Gandarshe,waxaa howlgalkaas lagu dilay 8 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab,mana jirto  dad rayid ah oo wax ku noqday duqeyntaasi  ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Africom.

Si kastaba warkaan ka soo baxay howlgalka Mareykanka ee Qaarada Afrika weli dhankooda Al-Shabaab wax jaawaab ah kama bixin,waxaana mareykanka uu mararka qaar geystaa duqeymo ay dad rayid ah wax ku noqdaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media