Mareykanka oo shaaciyay waqtiga uu Ciidankiisa kala baxayo Afghanistaan

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la filaya in uu ku dhawaaqo xilliga Ciidamadda Maraykanka ay kasoo baxayaan dalka Afghanistaan. Saraakiisha Maraykanka ayaa warbaahinta Maraykanka u sheegay in 11-ka bisha Sagaalad ee sanadkan lasoo saari doono ciidanka.

Maraykanka ayaa dib uga dhici doono xilligii ay la qorsheeyay ee bisha May ee sanadkan oo kooxda Taliban iyo xukumadii Madaxweynihi hore ee Maraykanka Donald Trump, ay ku heshiyeen sanadkii hore .

Waqtiga cusub ee la qabtay wuxuu ku beegan yahay sanad-guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay weeraradii argagixiso ee lagu qaaday Xarunta Ganacsiga Adduunka iyo Pentagon-ka Mareykanka sanadkii 2001-dii.

Mr Biden ayaa horey u sheegay in wqtiga la cayimay ee Koowda bisha May ay aad u adkaan doonto.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor