Sii-hayaha Xoghayaha Difaaca ee dalkaasi, Patrick Shaanahan waxa uu sheegay inay 1,000 Askari oo kale u dirayaan Bariga Dhexe, sababo Difaaca, kadib, cabsi kaga timid Iiraan, waa sida uu hadalka u dhigay.
Hadal-qoraal oo uu soo saaray ayuu ku sheegay inuu amray in Ciiddankaasi loo daad-gureeyo Bariga dhexe, si ay wax uga qabtaan cabsida Saldhigyadda Ciiddanka Cirka, Badda iyo dhulka iyo Danaha Maraykanka ku leeyihiin dalalka Bariga Dhexe.
Tallaabadda Ciiddankaasi lagu daad-gureynayo ayaa timid saacado kadib, markii ay Milliteriga Maraykanka soo bandhigeen sawiro cusub oo ay ku sheegeen inay Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan ee ICRC ka dambaysay weerarka lagu qaaday mid ka mid ah Maraakiibtii Shidaalka ee maraysay meel ku dhow Gacanka Hormuz ee Xeebaha Iiraan.