Mareykanka oo ka walaacsan hanjabaadaha Iran ee ka dhanka ah boqortooyada Sacuudiga

Mareykanka ayaa waxaa ka walaacsan yahay hanjabaadaha Iran ee ka dhanka ah Sucuudiga, waxaana sida uu sheegay afhayeen u hadlay Aqalka Cad Talaadadii aanu Mareykanku ka laba-labayn doonin inuu ka jawaabo hanjabaadahaas haddii loo baahdo.

“Waxaan ka walaacsanahay khaataraha muuqda, waxaan weli ku jirnaa xiriir joogto ah anagoo adeegsanayna khadadka militariga iyo kuwa sirdoonka ee Sucuudiga,” ayuu yiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka. oo intaas ku daray “Kama waaban doono in aan u dhaqaaqno difaaca danahayaga iyo saaxiibadayada gobolka”

Mas’uulkan ayaa hadlay kadib markii wargeyska Wall Street Journal uu sheegay in Sacuudiga uu la wadaagay xog sir ah oo uu Mareykanka uga digayo weerar ka yimaada Iran oo lagu bartilmaameedsado Boqortooyada Sacuudiga.

Mareykanka ayaa sheegay in Iran ay siisay Ruushka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado dagaalka ka dhanka ah Ukraine, taasoo keentay in Washington ay dhinac iska dhigto dadaallada lagu doonayo in dib loogu soo nooleeyo heshiiskii Nukliyeerka ee Iran, kaasoo uu madaxweyne Donald Trump ka baxay 2018-kii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor