Dowladaha Maraykanka iyo Somalia waxay xaqiijiyeen in Ku-xigeenkaasi lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo bishan 14-di ika dhacday Tuulladda Xiriiro ee duleedka Degmadda Qandala ee Gobalka Bari ee Puntland.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Taliska Milliteriga Maraykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay inay duqeyn ku dileen Sarkaal Sare oo ka tirsan Daacish-ta Somalia.
AFRICOM waxay sheegtay inay dileen C/xakiim Maxamed Ibraahim “C/xakiim Dhuqub†oo ahaa Ku-xigeenkii Hoggaamiyaha Daacish-ta Somalia, kaasi oo horey xilkaasi kala wareegay Ku-xigeenkii hore ee Daacish-ta Somalia, Mahad Macallim, kaasi oo sannadkii hore lagu dilay magaalladda Muqdisho.
AFRICOM waxay kaloo sheegtay in C/xakiim Dhuqub mas’uul ka ahaa Hawl-galladda Maalinlaha ee Daacish-ta Somalia, qorsheynta weeraradda iyo dhaqaale-ururinta.
Kooxda Daacish-ta Somalia oo uu hoggaamiyo Sheekh C/qaadir Muumin waxay Saldhigyo ay ka hawl-galaan ku leeyihiin Puntland, waxayna mas’uul ka yihiin toogasho, qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka dhacay guud ahaan dalka Somalia tan iyo sannadkii 2016-kii.
Si kastaba ha ahaatee, duqeynta Diyaaradeed ee ay Maraykanka ku dileen C/xakiim Dhuqub ayaa ah kii ugu horreeyey ee ay Milliteriga Maraykanka ku beegsadeen Kooxda Daacish-ta Somalia tan iyo bishii November ee sannadkii 2017-kii.