Taliska Mareykanka qaarada Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa faah-faahin ka bixiyay Duqeyn diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen Gobolka Jubbada Dhexe.
War kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, isla markaana lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo ku sugnaa halkaas.
Sidoo kale Warka AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in dueyntii ka dhacday Saakow ay iska kaashadeen Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka howlgala Jubbada Dhexe.
“Waxaan sii wadi doonaan iskaashiga aan la leennahay saaxiibadeenna Soomaaliya si aan ula dagaalano Al-shabaab oo doonaya iney waxyeeleeyaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Brig. Gen. Miguel A. Castellanos oo ah ku-xigeenka agaasinta howlgallada ee Taliska AFRICOM.
Maraykanka ayaa inta badan qaada duqaymaha ka dhanka ah Al-Shabaab iyagoo iskaashi kala sameeya dowladda Soomaaliya.
Sannadkan keliya ayaa Maraykanku sheegeen inay Soomaaliya ka geysteen 59 duqeymood.