Mareykanka oo farriin u diray Madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka

Dowladda dalka Mareykanka ayaa ka dalbatay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo  iyo Guddoonka Golaha Shacabka inay si degdeg ah u baabi’iyaan hindise sharciyeedka muddo kordhinta ahaa, kaasi oo horay Beesha caalamka ay ka hortimid.

War kasoo Baxay Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Mareykanka ayaa lagu dalbaday labada Mas’uul ay meesha ka saaraan sharicigii Baaarlamaanku labada sano ugu kordhiyeen farmaajo, sidoo kalena uu Madaxweynuhu saxiixay.

Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka ayaa lagu  boggaadiyay Ra’iisul Wasaare Rooble Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle sidii ay u diideen muddo kordhinta.

Waxaana loogu baaqay Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada inay si deg deg ah u kulmaan si loo dhameystiro qaabka doorashada ee la isku raacsan yahay lana qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha sida ugu dhaqsaha badan iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 Sebtember.

Hadalka Maraykanka ayaa imaanaya iyadoo dhawaaan Maamulada Galmudug iyo Hir-Shabeelle ay kasoo horjeesteen Muddo kororsigii Madaxweye Farmaajo, waxaana go’aankooda Soodhaweeyay Mas’uuliyiinta mucaaradka ah iyo inta badan Saamileydada siyaasadda Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor